Sida lawada maqlayo, qeylo dhaanta ka soo yeereysa beelaha hawiye iyo sida ay uga xun yihiin heshiiska ay gaareen labada garab ee DM, waxayna ku ad adag yihiin isla markaana ay banaanka soo dhigeen in gobolka sh/hoose ay iyaga leeyihiin, taasi waxay muujineysaa cadaawadda ay ku mideysan yihiin ee ay u hayaan qowmiyadda DM iyo sida ay u jeclaan lahaayeen in DM ay u geystaan dhac siyaasadeed iyo barakicin, iyaga oo ka faa’ideysanayo kala qeybsanaata siyaasiyiinta iyo waxgaradka qowmiyadda DM, laakiin siyaasiyiinta iyo waxgaradka DM iyaga oo maanka ku haya dhibaatada lala damacsan yahay waxay soo afjareen kala aragti duwanaashihii u dhexeeyey ee mudada soo jiitamayey,
Khiyaamooyinka Beelaha Hawiye
Tan iyo markii uu bilowdey kala aragti duwanaashihii u dhexeeyey waxgaradka iyo siyaasiyiinta DM, siyaasiyiinta beesha hawiye marnaba lugta kalama aysan bixin sidii ay u sii shidi lahaayeen kala aragti duwanaashaha ku dhexeeyey waxgaradka qowmiyadda DM, waxayna ku howlanaayeen sidii uu u sii jiri lahayd isla markaana loo sii shidi lahaa kala aragti duwanaashaha qowmiyadda DM,
Cadeyn
Taasi waxaa cadeyn u ah siyaasiyiinta beelaha hawiye waxay isu qeybiyeen laba qeybood, 1. Qeyb sheegeysa inay taageereysan tahay dhismaha 6-da gobol, 2. Qeyb sheegeysa inay taageereysan tahay dhismaha 3-da gobol, waxayna labada qeyboodba ku kala dhex jireen siyaasiyiinta DM ee u dhexeeyey kala aragti duwanaashaha si ay u sii kala fogeeyaan, laakiin dhab ahaan labada qeyboodba majirin wax ay taageersanaayeen lix gobol iyo sedex gobol midna, balse waxay ku mashquulsanaayeen oo kaliya inaan waxba u dhismin DM iyo guud ahaan inaan dalka laga hergelin dowlad goboleedyo,
Maxaad Ka Taqaanaa Gobolka Sh/hoose?
Gobolka sh/hoose waa mid ka mid ah gobolada ugu barwaaqada badan dalka soomaaliya, wuxuu leeyahayXEEB DHEER, oo 250 km oo jilaabashada ku fiican iyo labo dekadood oo muhiim u ah dadka deegaanada koonfur galbeed soomaaliya, dekedaha MARKA iyo BARAAWE iyo sidoo kale gobolku wuxuu leeyahay DHUL KU HABOON BEERASHADA iyo DHUL KU HABOON DAAQA XOOLAHA,
Gobolku wuxuu ka kooban yahay 8 Degmo waxayna kala yihiin:
6. Marka, 2. Baraawe, 3. Afgooye, 4. Wanla weyn, 5. Aw-dheegle, 6. Qoryooley, 7. Kurtunwaarey, 8. Sablaale,
Degmooyinka aan soo sheegney waxaa kala dega,
1. Degmada Marka xarunta gobolka waxaa dega, Beelaha Biyo maal, 12-ka Koofi (Gibil Cad), DM iyo Jereer,
2. Degmada Baraawe waxaa dega, Beelaha Shan Gamaas (Tuni) iyo Reer Barave,
3. Degmada Afgooye waxaa dega Beelaha Geledi, Wacdaan iyo Garre,
4. Degmada Wanla weyn waxaa dega beelaha Shan caleemo (Erdho, Hubeer, Jambaluul, Barbaare iyo Hiifmage)
5. Degmada Aw-dheegle waxaa dega beelaha Begedi iyo Garre,
6. Degmada Qoryooley waxaa dega Beelaha Jiiddo, Garre iyo Jere
7. Degmada Kurtunwaarey
8. Degmada Sablaale waxaa dega Beelaha Jiiddo, Tuni iyo Ciroole,
Sidoo kale degmooyinka aan kor ku soo sheegney qaarkood waxaa soo degey dad soo galooti ah (Minority Gropes) kuwaasi oo gobolo kale ka soo jeeda.
Hadaba akhristow ka dib qeylo dhaantii beelaha hawiye ay ku sheeganeysey lahaan shaha gobolka Sh/hoose, siyaasiyiinta iyo waxgardka beelaha DM waxay sii laba laabeen adkeynta midnimadooda iyo heshiiskii ay gaareen labada dhinac iyaga oo maanka ku haya MURTIDII ahayd “COL KORE HADDII UU YIMAADO KAN GUDAHA DHAMAA”
Mahadsanidiin
Wariye Cabdinur Mayow Cali, Idale News Online, Baydhabo.