QM, oo shaqadii ka erisay sarkaal sare oo ka shaqeynayay dalka Soomaaliya

0
170

Muqdisho(INO)— Qaramada Midoobay ayaa shaqadii ka erisay sarkaal sare oo ka tirsanaa xafiiska Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya UNSOM sababo la xiriira wax is daba marsiin iyo musuqmaasuq.

Amadu Kamara oo ahaa agaasimaha xafiiska UNSOM iyo weliba UNSOA kadib markii lagu eedeeyay inuu heshiis kunturaad ah siiyay dad uu la wadaagi lahaa faa’idada laga helo mashaariic.

Sida ay daabacday Alleastafrica.com Mr kamara oo u dhashay dalka Senegal ayaa lagu eedeeyay in uu si qalad ah u isticmaalay dhaqaale lagu caawinayay dib u dhiska ciidamada dalka Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ayuu wargeyska Alleastafrica ka soo xigtey inaysan waxba u tareyn ciidamada Soomaaliya eryida Amadu Kamara oo kaliya balse dhibaatadu ay intaa ka sii baaxad weyn tahay.

Dalka Soomaaliya ayaa sanad walba waxaa ay dalalka caalamku sheegaan inay ku tabarucaan dhaqaale lagu horumarinayo ciidamada balse ciidamada dowlada Soomaaliya ayaan si joogta ah uhelin mushaaraadkooda iyo dhaqaalihii kale oo ay u baahnaayeen.

Shabakada warbaahinta jowhar.com oo isku dayday inay wax ka weydiiso xafiiska UNSOM ee dalka Soomaaliya waxa ka jira eedeyntan ayaa haleeli weysay dadkii awooda u lahaa in ay jawaab ka  bixiyaan.