QM oo ku baaqday xaqiijinta xoriyatul qowlka Somalia xiligan oo dalku ku jiro kala-guur siyaasadeed

0
159

Muqdisho(INO) — Qaramada Midoobay ayaa Warbixin ay Maanta soo saartay kaga digtay xayiraadaha Xorriyadda Hadalka Somalia iyo weliba hanjabaadaha lagu hayo War-fidiyeenka, xilligan oo Soomaaliya ay ku jirto kala guur, iyadoo u socota dhinaca Dimuqraadiyadda, kaddib in ka badan 20-sano oo ay ay colaado ka socdeen.

Warbixinta oo ay si wadajir ah u soo saareen xafiiska QM ee Arrimaha Somalia iyo Xafiiska Xuquuqda Aadanaha u qaabilsan QM, ayaa lagu xusay in Somalia ay ka jiraan xad-gudubyo ka dhan ah suxufiyiinta, difaacayaasha xuquuqda Aadanaha iyo madaxda siyaasada, kuwaas oo ay ku jiraan dilal dhawr ah, xarig joogto ah, cabsi-gelin iyo xirida xarumaha warbaahinta.

Afhayeenka Xafiiska Xuuquuqul Aadanaha ee Qaramada Midoobay, Cecile Pouilly, ayaa sheegtay in dhamaan xadgudubyadaas ay yihiin kuwo loogu talo-galay in culeys lagu saaro xorriyadda hadalka iyo in ra’yiga muhiimka ah la dhiibto.

“Suxufiyiin iyo milkiilayaal warbaahineed ayaa la xiray dhawrkii sanadood ee u dambeeyay, taasoo Macnaheedu yahay in la Cabsi-geliyo Shaqaalaha Warbaahinta iyo Milkiilayaasha, si ay ugu dambeyn isaga dhaafaan shaqadooda,” ayaa lagu yiri Warbixinta QM ay soo saartay.

Ergayga QM ee Arrimaha Somalia, Danjire Michael Keating ayaa yiri. “Somalia Horumaro badan ayay sameysay sannadihii la soo dahaafay, kaddib labaatameeyo  sano oo colaado ah, laakiin weli waxaa Somalia ka jira xad-gudubyo kala duwan oo dhanka xuquuqda aadanaha ah.”

“Warbaahinta madaxa-bannaan oo xoogeysata waa qayb muhiim ah oo uu waddan kasta oo dimuqraaddi ahi u baahan yahay,” ayuu yiri Madaxa Xafiiska QM ee Xuquuqda Aadanaha Zeid Ra’ad Al Hussein, iyadoo hadalkiisa ku daray. “Weerarrada lagu hayo suxufiyiinta iyo xarumaha Warbaahinta waa kuwo saameyn xoogan ku yeelanaya dimuqraadiyada, waxayna caqabad weyn ku yihiin xorriyadda hadalka iyo guud ahaan xuquuqda aadanaha.”

Zeid Ra’ad Al Hussein ayaa ugu baaqday madaxda Dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa Maamul-goboleedyada, inay qaadaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo in la joojiyo dhammaan xad-gududbyada ka dhanka ah xorriyadda hadalka, kuwaasoo ay ku jiraan weerarrada lala beegsado xarumaha warbaahinta iyo suxufiyiinta.

Ugu dambeyn, Warbixinta QM ayaa lagu sheegay in muddadii u dhexeysay bishii Jannaayo 2014-kii illaa July 2016-ka la xiray 120 suxufi iyo shaqaale kale oo warbaahineed madaxa-bannaan ee Somalia. Waxaaa kaloo warbixinta lagu xusay in muddadii u dhexeysay August 2012-kii illaa June 2016-ka lagu dilay Gudaha Soomaaliya 30 Wariye iyo 18-xildhibaan.