QM oo ciidamada Kenya ku eedeysay dhaqaale fara badan inay ka helaan Dhoofinta Dhuxusha

0
175

Nairobi(INO)- Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan dabagalka ee Monitoring Group,ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in Ciidanka Kenya ay si sharci darro ah uga macaashaan dhuxusha laga dhoofiyo Gobolka Jubbada hoose.

Kiiskii dhuxul ahba Ciidanka Kenya waxaa ay ku leeyihiin $2 Doollar,taas oo ka dhigan in Sanadkiiba ay ka faa’idaan $12 Milyan oo Doolarka Mareykanka ah sida ay sheegeyso Kooxda Dabagalka Somaliya iyo Eritrea u qaabilsan Qaramada Midoobey.

2012-kii ayaa qaraar ka soo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay lagu mamnuucay dhoofinta Dhuxusha Somaliya kadib markii sida ay sheegeen ay Al-Shabaab ka heli jirtay dakhli fara badan oo ka soo gali jiray dhoofka dhuxusha.

Wax ka badan 6 Milyan oo Jawaan ayaa laga dhoofiyaa Sanadkiiba Dekadaha Kismaayo iyo Buur Gaabo oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose.

Ciidanka Kenya oo ka mid ah Amisom ayaa si qaldan u adeegsada dhoofinta Dhuxusha ee Kismaayo oo ay ku leeyihiin saami aan sharciyad heysan,sida lagu sheegay warbixin ka kooban 247 Bog oo ay soo saareen Kooxda dabagalka.

Kooxda Dabagalka waxaa ay sheegtay in Amisom ay ku wargeliyeen 9bilood ka hor islamarkaana ay  diidday in ay Jawaab rasmi ah ka bixiyaan eedaha loo heysto Ciidanka Kenya ee jooga Juubada hoose.

Sidoo kale warbixinta waxaa ay xustay in Axmed Madoobe uu saami iska siin jiray Al-shabaab ka hor inta aysan Ciidanka Kenya qaadan Saamiga isagana u diidin Al-shabaab,waxaan aay taas keentay in ay weerarro dhowr ah ka fuliyaan degaannada Maamulkaasi uu ka joogo Jubbooyinka.

Warbixinta ayaa sheegtay in Al-shabaab ay taas beddelkeeda Canshuur saareen Gaadiidka Sonkorta ka qaada Kismaayo ee dhanka Kenya u raran,kuwaas oo Gaarigiiba sida ay sheegayaan laga qaado $1,000 Doollar oo Canshuur ah,waxaana warbixinta ay sheegeysaa in dhawaan ay Al-shabaab kordhisay Canshuurtaas oo gaarigiiba laga qaado $1,500 oo Doollarka Mareykanka ah.

Waxaa ay taasi ka dhigan tahay in Al-shabaab ay $18 Miylan oo dollar Sanadkiiba ka hesho Gaadiidka Sokorta ka dhoofiya Magaalada Kismaayo ee Jubbada hoose.