Kabul: Xog’hayaha guud ee Q,M Ban ki Moon ayaa ayaa tacsi u diray ehelada ay ka geeriyooday haweeney Soomaaliyeed oo ka mid aheyd dad ku geeriyooday qarax maalin ka hor ka dhacay maqaayad ku taala caasimada wadanka Afghanistan ee Kabul.
War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ban ki Moon ee magaalada New York ayaa lagu sheegay inuu xanuunka iyo muruguda uu la wadaagayo ehelada shaqaalihii Q,M ka tirsanaa eek u geeriyooday qaraxa Kabul ka dhacay si gaar ah waxaa uu carabka ugu dhuftay haweeney Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Basro Faarax Xassan oo u shaqaynaysay hay’adda Q,M ee UNICEF.
“Waxaa uu ahaa qarax xanuun badnaa oo argagax leh waxaan doonayaa inaan tacsi u diro ehelada shaqaalaha Q,M ka tirsanaa ee qaraxa ku naf waayay iyo dadkii kale eek u waxyeeloobay si gaar ah eheladda Basra Faarax Xasan oo aheyd shaqsi dadaal badan” ayuu yiri Ban ki Moon.
Allaha u naxariistee Basra oo haysata dhalashada wadanka Maraykanka kana shaqeynaysay qeybta nafaqaynta UNICEF ayaa ka mid aheyd in ka badan 20 ruux o ku naf waayay qarax ka dhex dhacay maqaayad ay leeyihiin dad Lubnaanes oo ah ku taala goob amaankeeda aad loo adkeey.
Idale News Online, kabul.