Qarax Qasaaro gaystey oo ka dhacey Isgoyska Kaasa popolare ee Magaalada Muqdisho

0
193

Qarax xoogan ayaa goor dhow oo duhurnimadii maanta ah waxaa uu ka dhacay agagaarka isgoyska Kaasa Bobolaare oo ku yaala wadada wadnaha ee magaalada Muqdisho kaasoo lala eegtay gaari ay wateen masuuliyiin caan ah.

Gaariga qaraxa lala eegtay ayaa waxaa la socday labo nin oo kala ahaa Cartan Shiikhdoon oo la sheegay inuu ahaa nin nabadoon ah, warar kalena sheegayaan inuu ka mid ahaa saraakiisha Booliska Somalia iyo ninka 2aad oo ahaa Cabdi Iimaan Sharmaake oo la dhashay milkilihii geeriyooday ee shirkada warbaahinta Hornafrik Cali Iimaan Sharmarke.

Qaraxa ka dib ayaa waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowlada oo halkaas ka sameeyey howlgalo xoogan, iyadoo labada nin oo dhaawac ah loola cararay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan inuu Cartan Shiikhdoon uu u geeriyooday dhaawacyadii ka soo gaaray qaraxaas.

Warar ayaa sheegayaa in gaariga la qarxiyey uu lahaa Cabdi Iimaan Sharmaarke oo qaraxaas ku dhaawacmay, qaraxana uu ka dhashay miino si qarsoodi ah loogu xiray gaarigiisa, waxaana uu dhowaan ku soo laabtay dalka isagoo ku noolaa sanadihii ugu dambeeyey dalka Kuwait.

Lama oga illaa hadda sababta qaraxaas loola beegsaday gaarigiisa maadaama uu ka madax banaanaa dhinacyada siyaasada isaga soo horjeeda, hase ahaatee waxaa xusid in walaalkiis Cali Iimaan Sharmaarke oo ahaa agaasimihii idaacada Hornafrik lagu dilay qarax sidan oo kale loogu xiray gaarigiisa lix sano ka hor.