Mahaday(INO)— Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada Milateriga ayaa ku geeriyootay, afar kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii Gaari ay la socdeen lala eegtay Qarax miino oo marayay duleedka degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in gaariga oo ahaa kuwa dagaalka ee Soomaalida u taqaano Cabdibile uu ku dul istaagay miino dhulka la geliyay.
Dhaawacyada askarta dowladda ayaa la geeyay Isbitaalka degmada Jowhar, halkaasoo lagu daweynayo, sida uu soo sheegayo Wariyaheena Jowhar ku sugan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in mid ka mid ah askarta ku geeriyooday qaraxaas uu ahaa Sarkaal ka tirsan Guutada koowaad ee Ciidamada Milateriga.
Maalin ka hor ayay aheyd markii illaa sideed ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab lagu dilay duleedka Mahadaay, markii maleeshiyo hubeysan oo deegaanka ah ay wadada u galeen gaari kuwa shacabka ah ay la socdeen.
Magaalada Jowhar ayaa muddooyinkii u dambeeyay amnigeeda si aad ah loo adkeeyay, tan iyo markii lagu dhawaaqay inay marti gelineyso shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Idale News Online, Mahaday