Qarax lala eegtay baabuur marayey agagaarka Isgoyska Kasabalbalaare ee degmada Hodan

0
258

Iyadoo maalmahan ay qaraxyada magaalada Muqdisho ka noqdeen kuwo isdaba joog ah ayaa goor dhow oo barqanimadii ah waxaa qarax weyn uu ka dhacay nawaaxiga isgoyska KPP oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa qabsaday gaari nooca raaxada ah oo marayey wadada wadnaha gaar ahaan agagaarka isgoyska KPP kaasoo la sheegay inuu leeyahay Dr. Cali Xasan oo ka mid ah dhaqaatiirta Muqdisho, xarun caafimaadna ku leh degaanka Cali kamiin ee degmada Wardhiigley.

qaraxIsmiidaamin

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa qabsaday gaariga dhaqtarka uu ka dhashay miino lagu xiray, iyadoo masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Hodan oo goobta gaaray ay sheegeen in Dr. Cali Xasan oo la socday gaariga uu ka badbaaday weerarkaas, dhaawacyo fududna ay soo gaareen.

 
Waxaa goobtaas gaaray ciidamo ka tirsan dowlada Somalia oo baaritaano wada, iyadoo gaariga qarxay uu soo gaaray burbur xoogan inkastoo la soo sheegayo inuusan dab qabsanin sida looga bartay qaraxyada noocan ah oo gaadiidku ay ku gubtaan.

Waa qaraxii 3aad ee noociisa ah ee 10 cisho gudahood ka dhaca magaalada Muqdisho, maalmo ka hor ayeyna aheyd markii masuul ka tirsan wasaarada howlaha guud iyo guriyeynta miino loogu xiray gaarigiisa ay kula qaraxday Isgoyska Sanca, inkastoo uu ka badbaadayna waxaa ku geeriyooday nin la socday gaariga.

Sidoo kale todobaadkii hore ayaa qarax kan la mid ah waxaa uu ka dhacay degmada X/weyne, markii gaari ay wateen xildhibaano ka tirsan baarlamanka ay la qaraxday miino lagu xiray, inkastoo ay ka badbaadeen, waxaana ku dhintay qof shacab ah qaar kalena wey ku dhaawacmeen.

Idale News Online