Qarax ka dhacey hoteel ku yaala bartamaha dalka Jabuuti oo dilay 3 qof tiro kalena dhaawacey

0
196

Wararka hadda soo gaarey shabakada Idale News ayaa waxay sheegayaan in qarax uu ka dhaxey hotel lagu magacaabo Minilik oo ku yaala bartamaha magaalada Jabuuti. Inta la ogyahay waxaa qaraxaasi ku geeriyooday seddex qof, waxaana sidoo kale uu dhaawac ka soo gaarey tiro intaas ka badan.

Masuuliyada qaraxaasi ayaa ilaa iyo hadda aysan jirin koox sheegatay, balse dowlada Jabuuti ayaa waxay ka mid tahay wadamada ay ciidamada ka joogaan Somalia oo dagaal kula jira xarakada Alshabaab oo iyaga ku jira kooxaha liiska argagixisada dunida.

Weerarkaan lagu qaaday Jabuuti ayaa noqonaaya kii ugu horeeyey ee dowlada Jabuuti ka dhaca, waxaana horey u jiray handadaaq kooxda ay shabaab u direen dalalka ay ciidamada ka joogaan Somalia oo ay ku sheegeen in ay qaraxyo ka geysan doonaan dalalkaasi.

Waxii warar ah ee ku soo kordha qaraxa ka dhacey Hotel Minilik ee Jabuti kala soco wararkeena dambe.
jabuuut
Idale News Online