Qarax Baabuur lagu soo rakibay oo ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha

0
259

Qarax xoogan ayaa goor dhow ka dhacay Suuqa Bakaaraha, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo qaraxa oo ahaa mid saameyn ku yeeshay dhamaan howlihii ganacsi ee Suuqa.
qaraxbaabuur
Gaari nuuca loo yaqaano Kaarib ayaa ku qarxay inta u dhaxeysa Sarta Cali Dheere iyo Suuqa daawada.
Ma cada in walxaha qarxa ay saarnaayeen iyo in qaraxa lala eegtay, hase ahaatee gaariga ayaa gebi ahaanba ahaa mid dab qabsaday oo holcayay.

Ciidamo fara badan oo Boolis ah ayaa goobta soo gaaray, iyagoo rasaas ridayay, ma cada qasaaraha ka dhashay qaraxan. Warar horudhac ah ayaa sheegaya in gaarigan goortii uu qarxayey ay saarnaayeen dad lagu sheegay ilaa 4 qof walow aan la aqoon in gaarigan qarxay miino loo dhigay ama uu gaariga saarnaa bambaano.

Wixii war ah oo arrintan kusoo kordha gadaal baan idiinka soo gudbin doonaa haduu eebo idmo.

Idale News Online, Mogadishu