Qabanqaabada Xuska Munaasabada Aasaaska Ciidanka Dalka oo ka bilaawatay Muqisho, iyo wadooyinka oo xiran.

0
261

Munaasabada lagu weeyneenayo Aas aaska Ciidamada XGS ayaa Saaka ka socota Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka Soomaaliya qaar kood.

Ciidamada XGS oo la Aas aasay Sanadkii 1964-tii ayaa maanta u dabaal dagaya  50 Sano guuradii ka soo wareeegtay Aas aas kooda,waxaana Munaasabada Dabaaldaga ay ka socotaa Magaalada Caasimada iyo Qeybo ka mid ah Gobolada Dalka.

Taliyaha Ciidamada XGDS Gen,Daahir Aadan Cilim”Idha qarshe”ayaa Hanbalyo u diray Ciidamada XGS iyo Caruurta iyo Xaasaskooda,uguna hanbalyey Munaasabadaan Qiimaha ku leh Ciidamada XGDS iyo Ummadda Soomaaliyeed.

Ciidamada XGS ayaa Wadooyinka Muhiimkaa  ee Magaalada Muqdisho Saaka Xiray,waxaana sidoo kale Wadooyinka loodiidaya isticmaalka Gaadiidka iyo Dad weynaha.

Munaasabada ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan Madaxda Dalka Soomaaliya,kuwaa oo la hadli doona Ciidamada XGDS oo maana u dabaaldagaya Aas  aaskii Ciidamada XGDS. oo ah 54guuraaadii kasoo wareegatey.

ciidanka

Idale News Online.