Puntiland oo si Kulul uga jawaabtay Hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Siilaanyo

0
209

Garowe(INO)-Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntiland ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal maalintii shalay kasoo yeeray Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo oo sheegay in Madaxweynaha Puntiland uu lasoo hadlay kana raali galiyay dacaayado wax u dhimaya Qaranimada Somaliland oo Puntiland ka imaanayay.

Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garawe ayaa been abuur iyo wax aan jirin ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

Waxa uu sheegay Wasiirka in uusan jirin habayaraatee wax xariir ah uu Madaxweyne Cabdi Wali Gaas la sameeyay Axmed Siilaanyo, waxa uuna Warka Siilaanyo ku tilmaamay in uu yahay been la dhoo dhoobay.

” Waxaan idin cadeenaya in aysan jirin xiriir dhex marey Madaxweyne Cabdiweli Gaas & Siilaanyo, sida Madaxweynaha Somaliland sheegtay, ma jirto teleefon Madaxweynaha Puntland u direy waa war aan sal iyo raad lahayn” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntiland.

Hadalka kasoo yeeray Maamulka Puntiland ayaa imaanaya xili Madaxweynaha Somaliland uu shalay labada Golle ee maamulkaasi uu ka hor sheegay in uu jiro farin raali galin ah uu ka helay Madaxweynaha Puntiland oo ku aadanaa dacaayado ay faafiyeen Maamulkaasi.

Idale News Online, Garowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here