Prof Samatar oo Hargeysa ku wajahan iyo Diyaargarow lagu soo dhaweynaayo oo halkaasi ka socda

0
196

Diyaargarow xoog leh oo lagu soo dhoweynayo siyaasiga Prof Axed Ismaaciil Samatar ayaa waxaa ay ka socotaa magaalada Hargeysa oo uu maanta tegayo.

Soo dhoweynta Prof Samatar ayaa waxaa guddi heer qaran ah u saartay maamulka Somaliland. Wasiirka Kalluumeysiga maamulka Somaliland C/laahi Jaamac Cismaan ayaa xaqiijiyay in maamulka Somaliland uu soo dhoweynayo siyaasiga Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo guddoomiye ka ah xisbiga Hiil-Qaran.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ah siyaasi kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya muddo dheerna kasoo horjeeday in Somaliland ka go’odo dalka intiisa kale.

Dhowaan ayuu Prof Axmed Ismaaciil Samatar iska casilay xubinimada baarlamaanka federalka Soomaaliyeed, waxana uu ka mid ahaa musharixiinta madaxtiniada ee sanadkii hore uu ku guuleystay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Hore ayaa siyaasiyiin ka soo jeeda gobolada Waqooyi ee dalka waxa ay ku biireen maamulka Somaliland marka ay xilal ka waayeen dowlada

 

Idale News Online