Prof Jawaari oo ku wajahan Beydhabo iyo kulamo looga hadlaayo Ammaanka oo halkaasi ka dhacay

0
207

baydhabo128-300x2251-150x150

Waxaa maanta lagu qabtay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay kulan looga arinsanayo amaanka Gobalka Bay iyo deegaanada hoos yimada.

Kulan kaa uu soo abaabulay Maamulka Gobalka Bay ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobalka Bay ee KMG ah Cabdi Aadn waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado amaanka Gobalka.

Waxa uu xusay Gudoomiyaha in lagama maarmaan taahy in Bulshada Gobalka ay kaalin muuqata ka qaataan sugida amaanka Gobalka waxa uuna xusay in loo baahan yahay in Bulshada Gobalka horumarkii ka shaqayso.

Cabdi Aadan ayaa sheegay in dhawaan ay imaan doonaan Gobalada Bay iyo Bakool wafdi uu horkacayo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawari si bulshada Gobalada wada tashiya u ku aadan Maamulka u samaynta Gobalada ula qaatan.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Gobalka Bay in loo baahan yahay in wafdigaa lagu soo dhawyo Gobalka lana tageero dadaalada ay ku doonayaan Maamul u samaynta Gobalada , uu sheegay in muhiim ay tahay in la hirgaliyo.

Ugu danbayntii ayuu ugu baaqay Shacabka Gobalka Bay in ay xooga saaraan ka shaqaynta amaanka iyo la dagaalanka Kooxda Alshabaab uu sheegay in ay yahiin cadowga koowaad ee loo baahan yahay in Gobalka laga xureeyo.

Idale News Muqdisho