Prof.Cali Khaliif oo sheegay inay isaga baxeen wada hadalkii ay kula jireen Maamulka Somaliland

0
165

Buuhoodle(INO)— Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay inay ka baxeen wada hadalkii ay kula jireen Maamulka Somaliland, isagoo ku eedeeyay in fara gelin iyo kala qeybin toos ku wadaan dadka reer Khaatumo.

Dr. Cali Khaliif ayaa sheegay in uusan diyaar u aheyn inuu ku biiro maamulka Somaliland, waxaana uu beeniyay warar soo baxayay oo sheegayay inuu ka mid noqonayo maamulkaas.

“War aniga meeshaas waxba kama rabo, waxba kama noqonayo, nimankaas fara gelin bey nagu hayaan, siyaasiyiinteena, odayaasheena iyo dadkeena ayay kala qeybinayaan”ayuu yiri Dr. Cali Khaliif.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu iska diiday inuu ka qeyb galo shirka ka socdo Burco oo uu ku tilmaamay mid lagu kala qeybinayo beesha Dhulbahante ee degta Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn sida uu yiri.

Wada hadalo u dhaxeeyay Maamulka Somaliland iyo Khaatumo ayaa dhowaan bilowday, waxaana wada hadaladan looga gol lahaa, sidii meesha looga saari lahaa xiisadaha soo noq-noqday ee labada dhinac u dhaxeeya iyo in dadka ku nool gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen.