Odayaasha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo eed usoo jeediyey Ciidamada AMISOM

0
239

Baydhabo(INO)- Odayasha dhaqanka ee gobalada Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa eed kulul soo jeediyey ciidamada Midowga Africa ee jooga gobaladaas, oo ay sheegen in ay kagaabiyeen melmarinta qorshayaal dib loogu qabsanayo deegaanada ay gacanta kuhayaan Xarakada Shabaab ee Soomaaliya.

Duqowda ayaa sheegay in ay marar badan kala hadleen Saraakiisha AMISOM in la balaariyo howlgalkan, isla markaasna dib loo bilaabo in la weeraro deegaanada ku jira gacanta Shabaab, sidaas oo kalena la furo wadooyinka dagaalada ku xirmay ee gobaladaas.

Odayaashan ayaa sidaas oo kale ugu baaqay Shacabka iyo madaxda Koonfur Galbeed Soomaaliya in loo diyaar garoowbo howlgal dheer oo lagu furayo jidadka xiran ee gobalada Maamulka Koonfur Galbeed.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here