Odayaasha KG soomaaliya oo ku eedayey Beelaah Hawiye ee muqdisho Faraglin ay Ku Haayaan shirka Baydhaba.

0
190

Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobalka Bay  waxa ka soconaya shir Balaaran oo maamul logu samaynayo Lix gobal ee KG soomaaliya.

Muqdisho waxaa ka furmay shir la sheegay in maamul loogu samaynayo gobalada shabeelooyinka,sida shabeelaha dhexe iyo shabeelaha hoose,kaas oo ay wadaan siyaasin ,xildhibaano iyo Aqoonyahano kasoo jeeda gobaladaas.

Dhinaca Baydhabo shirka kasocda ayaa waxaa la sheegay in faragalin xoogan ay ku hayaan beesha madaxweyne xasan sheekh,kaas oo odayaaha dhaqanka ay ku tilmaamen mid ka baxsan shuruucda faderaalka ah.

Afhayeenka Odayaasha Koonfur Galbeed Malaaq Maxamed Yacquub Malaaq Deerow oo la hadlayeey warbaahinta koonfur galbeed ayaa shegay in shirka baydhabo uu marayo marxaladihii ugu dambeyeey isagoo shegay in shirka ay soo garayaan wafuud kala duwan oo ay shegeen in ay ka imaanayan gobalada jubbooyinka iyo shabeelooyinka.

Malaaqa ayaa shegay in shirka kadhacay Muqdisho ee lagu samaynayo maamul ka kooban gobalada shabelooyinka uu yahay mid Riyo ah oo ay kadambeyaan Madax katirsan Dowlada.

Afhayeenka Odayaasha Koonfur Galbeed Malaaq Maxamed Yacquub Malaaq Deerow Ayaa shegay in shirkaas uu marnaba saamayn ku yeelan donaan shirka kasocda baydhabo.

malaaqDeeroow

Idale News Online, Baydhaba.