Odayaasha KGS Oo Taagyeerey Kala Dirista Baarlamanka Jubba

0
248

Baydhabo(INO)-Odayaasha ku dhaqan Degaanada ay  ka arrimiso Dowladda Koofur Galbeed Soomaaliya  ayaa soo dhaweeyay Go’aankii Baarlamaanka Federaalka Ee  Dawladda Soomaaliya ay ku kala direen Baarlamaankii Maamulka Jubba.

deerow

Malaaq Deerow oo ah Afhayeenka Odayaasha KG Soomaaliya Isla markaana  wax ka wada dhismaha Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa u sheegay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku saxnaayeen Go’aanka ay ka qaateen Baarlamaanka Maamulka ku meel gaarka ah Ee Jubba.

” Go’aanka Baarlamanka Soomaaliya ay gaareen Waa Soo Dhaweeyneyna, tilaabadaasi, waa mid aynu aad ugu faraxsanahay waaye, Waxayna Guteen Waajibaadkooada ee loo egmadey” ayuu yiri Malaaq Deerow.

Ugu dambeyntii , Maamulka  Jubba, ayaa sheegay in Xariirka ay u jareen Dowladda Federaalka ah Soomaaliya oo aysan wax wada shaqeyn danbe la yeelan doonin, maadaama Baarlamaanka Soomaaliya kala diray Baarlamaankiisa.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here