Qaar fara badan oo kamid ah Odayaasha Dhaqanka ee ka qeyb galaaya shirka ka soconaaya Magaalada Kismaayo, ayaa waxay go’aan ku gaareyn inay shirkaan isaga baxaan.
Odayaashaan oo matalaayay 10 kamid ah Beelaha Soomaaliyeed ee degga Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa waxay eedeymo kulul u jeediyeen Maamulka Kmg ah ee Magaalada Kismayao ka arrimiya.
Odayaashaan oo ku wada hadlay hal cod ayaa waxay sheegeen inay masuq maasuq iyo nin jecleysi ka tabanayaan, Maamulka Kmg ah ee Magaalada Kismaayo oo isagu lafdhabar u ah shirka ka soconaaya Magaalada Kismaayo.
Nabadoon C/Kheyre Xaaji Ismaaciil oo u hadlay Ergooyinka isaga baxday shirka Maamul U Sameynta Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa wuxuu sheegay in Beelaha qaarkood looga saami badiyay Beelaha kale, taasina ay tahay Cadaalad daro weyn.
Nabadoonka ayaa wuxuu kaloo sheegay in shirka ka soconaaya Magaalada Kismaayo uu qarka u saaran yahay fashil, wuxuuna ku baaqay in arintaan looga dambeeyo Dowladda Soomaaliya.
Odayaasha ka qeyb galaaya shirka Magaalada Kismaayo ayaa waxay horey qaarkood dhaliilo uga soo saareyn shirka, oo ay sheegeen inuu khaldan yahay hanaanka uu ku soconaayo.
Idale News Muqdisho