Kismaayo(INO)-Dowladda Kenya ayaa shaacisay in nin hore macalin dugsi quraan uga ahaan jiray degmada Gaarisa uu yahay ninka soo abaabulay ee ka danbeeya qorsheynta weerarka saaka aroortii lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa oo ilaa hadda in ka badan 70 ruux ay ku dhinteen. Ninkan ayaa lagu magacaabaa Sheekh Maxamed Dulyadeyn, ama Maxamed Kuna.
Ninkan ayaa hore loogu eedeeyay weerarkii Mandera ka dhacay oo 58 Kenyan lagu dilay, ninkan oo dadka Muqdisho ay si weyn u yaqaanaan wuxuu ka mid ahaa xoogagga Raaskaambooni ka tirsanaa Xisbul Islaam, wuxuuna Muqdisho ka howlgalay sanadii 2007 xiligii Itoobiyaanka, kadibna wuxuu ka mid noqday Alshabaab.
Dhinaca kale wuxuu Sheekh Dulyadeen ka mid ahaa saraakiisha sare ee ururka Raaskaambooni isagoo aad ugu dhowaa saaxiib hoosena la ahaa hogaamiyaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe oo ururkii Xibsul islaam iyo Raaskaanbooni ay ku wada jireen, sida ka muuqata sawirka hoose.
Kenya ayaa sheegtay in sarkaalkan oo dhalashada Kenya heysta uu qoyskiisa u adeegsado sidii uu weeraro ugu qaadi lahaa gudaha Kenya, waxayna hore dowladda Kenya madaxiisa u saartay lacag dhan 20 Milyan oo shilinka Kenya ah. Xilka uu iminka hayo Sheekh Dulyaden ayaa la sheegay inuu Alshabaab u qaabilsan yahay Jubbooyinka iyo howlgaladda gudaha Kenya laga fuliyo.
Idale News Online, Kismaayo