Jilib (INO)-Wararka aan ka heleyno Gobolka Jubbada Dhexe gaar ahaan duleedka degmada Jilib ayaa waxa ay ku soo warramayaan in Saacadihii la soo dhaafay uu nin Hubeysan rasaas ku furay dad shacab ah oo ku sugnaa Goob Xaflad Aroos ah ay ka socotay.
Goob Jooge la hadlay Warbaahinta IdaleNews.com ayaa sheegay in Ninkaan Hubeysan uu rasaas ooda kaga qaaday dad ku sugnaa meel ay ka socotay Xaflad Aroos oo ka dhaceysay meel baadiyo ah oo duleedka ka ah degmada Jilib , waxaana uu xusay in Rasaastaas uu ku dhintay 1 Wiil gabar kalana ay ku dhaawacantay.
Ninka falka geystay ayaa la xaqiijiyay in goobta ay wax ka dhaceen ka baxsaday iyadoona aan la ogeyn sababta ku kalliftay in uu ku kaco falkaas sida uu xusay Goob Joogahaan la hadlay Idale News Online.
Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa ka arrimiya Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab, welina ma jirto wax war ah oo ay ka soo saareen dhacdadaan ka dhacday nawaaxiga degmadaasi Jilib ee Gobolkaaasi Jubbada Dhexe.
Idale News Online, Jilib