Waxaa si habsami leh ugu socda garoomada kala duwan ee magaalada Borlänge tartanka koobka Ramadaan ee haatan loogu magac daray Ciyaaryahan “Shaarkey” oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Tartankan oo loo qeybiyey laba guruub ayaa waxaa kuwada jira min shan kooxood iyadoo ay haatan wada ciyaareen min laba kulan.
Kulankii ugu horeeyey ee Guruub A-da ayaa waxaa fooda is daray kooxaha Elman iyo Suuqa Xoolaha waxaayna kusoo idlaatay 5 – 8 ay guushu ku raacday Suuqa Xoolaha.
Guruubka B-da oo wada ciyaaray kulankii xigay ayaa waxaa iska hor yimi kooxaha Midnimo Ludvika iyo Balcad Falun waxaana 2 – 1 ku adkaatay Midnimo Ludvika.
Kulankii sedexaad ayaa waxaa fooda is daray Xamar Jadiid iyo Banaadir waxaayna kusoo idlaatay barbaro 8 – 8.
Kaambo Club iyo Dahabshiil iyagana waay is mari waayeen 2 – 2.
Dalsom Ludvika iyo Suuqa Xoolaha 7 – 4 ayaa waxaa ku guuleystay Dalsom.
Yaaqshiid iy Midnimo Ludvika oo kuwa jira guruubka B-da ayaa waxaa 13 – 6 ku adkaatay kooxda Yaaqshiid.
Guruubka A-da Elamn iyo Xamar jadiid waxaa 6 – 11 lagu macasalaameeyey kooxda Elman oo markii labaad guuldaro kala kulantay.
Guruubka B-da Balcad Falun iyo Kaambo Club ayaa waxaa ay ku soo idlaatay 7 – 6.
Banadair iyo Dalsom Ludvika oo isku dhacay kuna wada jira guruubka A-da ayaa waxaa 5 – 4 guushu ku raacday kooxda Banaadir.
Maanta ayaa waxaa wada ciyaaray kooxaha Dahabshiil iyo Yaaqshiid waxayna kusoo idlaatay 5 – 8 ay guushu ku raacday kooxda Yaaqshiid oo ah kooxda ugu muuqata guruubkaan oo laba jeer adkaatay.
Dhanka Ganaaxa: Go’aano aynu ka helnay gudiga maamulka waxaa ay soo saareen oo ganaaxeen sidan:
Liibaan Dheere oo u ciyaara kooxda Elman FC wuxuu uruursaday laba jaale sidaasi darteen kulanka xiga ee kooxdiisa la yeelan doonto Banaadir ayuu kaga maqnaan doonaa labadaasi jaale.
Abdikariin oo uciyaara Minimo Ludvika ayaa isagana qaatay kaarka casaanka kulankii ay kooxdiisa wada yeesheen Yaaqshiid sidaasi darteed ayuu kulanka xiga ugu maqnaan doonaa ganaaxa roosaha uu qaatay.
Axmed Kaambo oo labadii kulan uu ciyaaray kala qaatay laba jaale ayaa waxaa uu ka maqnaan doonaa kulanka xiga oo kooxdiisa Kaambo Club ay la yeelan doonto Midnimo Ludvika.
Cabdulaahi Ciise oo usafta kooxda Yaaqshiid oo la siiyey calaamada Casaanka kulankii kooxdiisa Yaaqshiid ay la ciyaaraysay kooxda Midnimo Ludvika ayaa wuxuu carqalad ka sameeyey garoonka dhexdiisa ka dib gudiga oo ka fariistay go’aan ay kasoo saareen abiilna u qaatay ayaa ugu danbeyntii gudiga waxay soo saareen inuu ciyaaraha ka maqnaan doono 3 kulan oo kooxdiisa ay yeelan doonto.
Ciyaaryahan Daadir oo usafta Dalsom Ludvika oo uruursaday laba jaale isla markaana carqalad kusameeyey garoonka markii ciyaarta ay dhamaatay ayaa isagana kooxdiisa ka maqnaan doona sedex kulan kaasoo ganaax looga dhigay.
Gudiga waxay digniin usoo jeediyeen kooxda Dalsom Ludvika waxayna ku wargaliyeen inaay la yimaadaan deganaan iyo inaay ixtiraamaan go’aanka garsooraha.
Idale News Muqdisho