Nabadoon Yusuf Cali Boore oo ah afhayeenka ergada Koonfur galbeed ayaa sheegay in shalay iyo maanta magaalada Badhabo ay gaareen ergo ka kala timid gobolada Shabellada Hoose iyo Banaadir.
Nabadoon Yusuf Cali Boore ayaa intaa ku daray in tirada ergada ah ee gaartay magaalada Baydhabo ay tahay ku dhawaad 54 xubnood.
Nabadoonka ayaa sidoo kale sheegay in imaantinka ergadan oo qeyb ka yahay dar dargelinta howlaha dhismaha maamulka Koonfur Galbeed ee mudadii ugu dambeysay ka socotay magaalada Baydhabo
Idale News Online, Baydhabo