Muqdisho(INO)-Ergadii kasoo tagtay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ee dib ugu soo noqday Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay dib ugu noqdan Magaalada Cadaado, hadii Madaxweynaha Soomaaliya uu xaliyo caqabadaha ku horgudban furmashada shirka.
Nabadoon Cali Salaad Faarax oo ka mid ah Ergada kasoo carootay Magaalada Dhuusamareeb ayaa wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin inay dib ugu noqdaan Magaalada Cadaado, hadii Madaxweynaha Soomaaliya uu xaliyo caqabadaha hortaagan shirka.
Wuxuu sheegay in shalay markii ay tageen Magaalada aan lasoo dhaweynin sidoo kalena aan lasiin meel ay ku nastaan, taasina ay de dejisay inay dib uga soo noqdaan Magaalada Cadaado oo ay kasoo caroodan.
Nabadoonka ayaa tilmaamay in Madaxweynaha uu u sheegay Ergada Dhuusamareeb inuu ku mashquulsan yahay xalinta caqabadaha ka taagan shirka inuu furmo, islamarkaana marka ay arimahaasi soo dhamaadaan shirka uu furmi doono.
Ergadan ayaa hada waxa ay ku sugan yihiin Magaalada Dhuusamareeb, waxaana tiradooda ay gaaraysa ilaa 200 xubnood sida uu sheegay Nabadoonkaan oo u waramay Idaacada Mustaqbal ee Magaalada Muqdisho.
Shirka Maamul U Sameynta Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan caqabad weyn furmashadiisa, waxaana taasi dusha looga tuuray Dowladda Soomaalia oo faragelin ku haysa shirka.
Weli ma cada xilliga shirkaan uu furmanaayo, maadaama weli aan xal rasmi ah laga gaarin muranka ka taagan Magaalada Cadaado.