Naafadda Soomaaliyeed Oo Ku Nool Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab Ee Dalka Kenya Oo Soo Dhaweeyey Wasiirka Arimaha Gargaarka& Naafadda Dowlada KG Soomaaliya

0
223

Dhadhaab(INO)-Dadka Naafada  Soomaalida ah ee ku nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa ammaanay tilaabadii uu madaxwaynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ku magacaabay wasiirka arrimaha gargaarka iyo daryeelka naafada.

naafadda

Qaar ka tirsan dadkaas oo la hadlay warbaahinta ayaa   Madaxweyne Shriif Xasan Sheekh Aadan uga mahadceliyay tallaabadaas oo ay ku tilmaameen mid muujinaysa ilaalinta xuquuqda aadanaha, gaar ahaanna naafada.

Waxay sheegeen inay wasaaradda ka rajeynayaan inay wax ka baddali doonto duruufta adag ee ay ku noolyihiin dadka uusan dhammayn laxaadkooda.

Dowladda Soomaaliya, maamul-goboleedyada dalka Ka Jira  iyo hay’adaha gargaarka  ayay ka dalbadeen inay ilaaliyaan xuquuqda dadka naafada ah.

 Ugu Dambeyntii Dadkaan ayaa xusay in naafada Soomaalida ahi aysan marna helin daryeelka ay mudan yihiin.

Idale News Online, Dhadhaab, Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here