Sheekh Sharif sheekh axmed Ayaa waxa Uu iska Fogeyey Eedeyn dhawaan dowlada Ugu jeedisey inuu Lakulmay masuulin Dalka Soomaaliya Xilalka Soo qabtay hadana Doonaya Inay qorshe mucarad Ah Ka wadan dalka Kenya Iyo Uganda waxana Ka Mida Cali Khaliif Galeyr iyo Sharmaarke oo iyagu laf ahaantooda edeynta iska Fogeyey.
Sheekh Sharif sheekh axmed Oo warbaahinta La Hadlay ayaa sheegay inuu Xiligani bananka Ka Yahay Siyasada Soomaaliya lakiin uu soo dhaweynayo qorshe kasta Oo Soomaaliya Nabadeeda Ku xiran tahay,uuna Yahay xiligani oday Soomaaliyeed Mudana Siyaasada Ku soo jirey Lakiin Uu qadarin ka Mudan yahay Dowlada Xilka kaga Danbeysey.
Waxa Lagu tiriyaa Inuu ka Mid yahay Sheekh Sharif sheekh axmed raga XiliganI lagu xasuusto Soomaaliya Inuu sida Ugu sharaf badan iskaga wareejiyey jagada Madaxweynaha Xiliga Looga Guulaystey ,Inkasta Oo lagu eedeyey Inuu ka Mid yahay Raga Mucarad samaynaya.
Madaxweynahii Hore Soomaaliya Ayaa Sheegay inay gobolada Jubooyinka xaq U leyahiin waxay iyaga Dooonayaan In lagu maamulo Lakiin Markasta Muhim tahay In Fursad lagu siinin Kooxda Dagaal yahanada Al-shabaab ee laga saray magaalada Kismayo Oo laAmin san yahay Inay tahay Meelaha Dhaqalaha Ugu badani kasoo gali jiree.
Ugu danbeyn Waxa u Sheegay inay cidkasta Oo nabada soomaaliya Ka Qeyb qadato Taarikh Qorayso Muhim na Tahay In nabada Laga shaqeeyo.
Idale News Muqdisho