Muxuu ka yiri Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland shirkii kusoo gabagaboobay dhawaan Magaaladda Muqdisho

0
198

15796

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Axmed Sheekh Jaamac ayaa ka hadlay aragtida Puntland ee Shirkii geedi socodka siyaasada ee lagu soo gabagabeeyay muqdisho oo ay Punland horay uga soo horjeesatay.

Axmed waxa uu sheegay in shirkaasi aan lagu soo hadal qaadin hantida lakala haysto oo ku tilmaamay tan ugu muhiimsan ee gundhiga u ah dib u heshiisiinta.Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland ayaa mar kale ku celiyay in wax u cuntamaya shacabka aysan aheyn qodobada kasoo baxay Shirkaasi.

Hadalkaani ayaa waxa uu ku sheegay Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Garoowe ee xarunta Gobalka Nugaal.

Idale News Muqdisho