Muungaab“ Waxaan Beelaha ku Dagalamay Sh.hoose Gogol Nabadeed u dhigayaa Raage Ceelle”.

0
167

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahana Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen muungaab ayaa sheegay in Gobol Nabadeed uu u dhigayo Beelaha ku Dagaalamaya Gobolka Sh.hoose ee Biyamaal iyo H/gidir.

Jenearaal Muungaab oo la hadlayay saxaafada ayaa sheegay in Dagaalka SH.hoose  uu yahay mid soo Jireen ah, oo u dhaxeeya Beelo wada daga Gobolkaas.

Waxaan Diyaar u ahay in aan Gogol Nabadeed u dhigo Beelaha ku Dagaalamaya Gobolka Sh.hoose, waxaana Gogol u dhigaynaa Degmada Raage Ceelle”ayuu Yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Baaqan ayaa imaanaya Xili Ciidamo isku dhaf ah lagu wado in la kala dhex dhigo Ciidamada ku Dagaalamaya Gobolka Sh.hoose.

MUUNGAAB

Idale News Online, Muqdisho.