Muslimiin badan oo laga daad guriiyay Jamhuuriyada Afrika Dhaxe.

0
172

Ciidammada nabad ilaalinta ee ku sugan dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, ayaa caasimadda dalkaasi ee Bangui ka daad gureeyay, dad Muslimiin ah oo tiradooda ay ka badan tahay 1,200 oo qof.

Caasimadda Bangui ayaa haatan ah mid ay gebi ahaanba ka wada baxeen dadkii Muslimiinta ahaa ee ku noolaa.

Kooxdii ugu dambeysay ayaa markii ay magaalada ka baxayeen waxaa ilaalinayay ciidamo aad u hubeysan oo isugu jira Faransiis iyo kuwa ka socda Midowga Afrika ee dalkaasi nabad ilaalinta u jooga.

Dadkaasi oo gawaadhi xamuul ah lagu qaadayay ayaa ka baxsanayay go’doomin ay bilooyin ku hayeen maleeshiyaad Kirishtaan ah.

Goobaha ay dadkaasi ka qaxeen ayaa durbadiiba la bililiqaystay, waxaana la burburiyay masjid halkaa ku yaalay.

Bangui ayaa mar waxa ay koo lijiray  in ka badan 30 masaajid, Muslimiintuna waxa ay si nabad ah kula noolaan jireen dadka wadankaasi u badan ee Kirishtaanka ah.

Balse xidhiidh ka dhaxeeyay ayaa xumaaday kaddib markii ay sanad ka hor xukunka la wareegeen maleeshiyo Muslimiin ah, taasoo keentay in Muslimiinta laga aargoosto markii maleeshiyada xukunka laga qaaday.

Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, ayaa waxaa ka barakacay boqolaal kun oo qof kuwaasi oo ka cabsi qabay in uu halkaasi xasuuq ka dhaco.

africa

Idale News Online.