Garoowe (INO) – Wafdi uu hogaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating oo gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa kulamo kala duwan la qaatay Madaxda Dowlada goboleedka Puntland, qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2016 ,Haweenka iyo Issimadda dhaqanka ee goboladaas.
Shir saxaafaddu bannaanka ka joogtay oo mas’uuliyiintan wada qaateen ayay diiradda ku saareen Arrimaha doorashooyinka Somalia, waxaana markii uu soo dhammaaday warbaahinta la hadlay Cabdiraxmaan Farole iyo Cali Xaaji Warsame oo iyagu ah musharaxiin u taagan doorshada dalka ka dhaceysa dhamaadka sanadkaan 2016
Faroole, ayaa sheegay inay Keating kala hadleen waxyaabo badan oo ay kamid yihiin dib u dhaca ku yimid magacaabista Liiska Aqalka Sare, kororsiimada waqtiga ee madaxda xafiiska hadda joogta, amniga caasumadda Somalia, dhismaha maamulka Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Wuxuu sheegay inay ku wargaliyeen Wakiilka QM in qorshaha hogaamiyaasha Somalidu wadaan ay tahay kororsiimo dadban ee aysan ahayn doorashooyin dadban, iyagoo walaac ka muujiyeen in dalka lagu celiyo fowdo siyaasadeed.
Sidoo kale waxa uu xusay Cabdiraxmaan Faroole inay u sheegeen Michael Keating in waddanka laga dhigay fowdo islamarkaana madaxda waqtigu ka dhammaaday wali awood u leeyihiin inay xafiiska ku sii shaqeeyaan iyagoo magacaabaya mas’uuliyiin cusub kuwo kalena boosaskaasi ka eryaya.
Musharax Faroole ayaa soo hadal qaaday inay kala hadleen Wakiilka, lacagta lagusoo rogay Xildhibaanada, taasoo ay ka muujiyeen saluug xoog leh, wuxuuna ku macneeyay inay tahay qorshe madaxda xafiiska joogta ku doonayaan inay keenaan dad ay iyagu lacag ka bixiyeen oo bari mabda’ooda ku shaqaynaya, maadaama dad badan lacagta iska bixin karin.
Wuxuuu intaasi ku daray inay kala hadleen amniga faraha kasii baxaya ee caasumadda Somalia, kaasoo sheegay in magaalada Muqdishu laga dhigay meel aan la isku hallayn karin.
Faroole, ayaa xusay inay ka cabsi qabaan in dalka Somalia lagu celiyo qalalaaso siyaasadeed iyo in tacab khasaar laga dhigo wixii mudada dheer laga shaqaynayay.
Dhinaca kale Cali Xaji, ayaa sheegay inay madaxda waqtigu ka dhammaday doonayaan inay soo celiyaan madashii Qaran ee wadatashiga taasoo macnaheedu tahay in dib loo dhigo doorashada dalka.
Cali Xaaji, ayaa sidoo kale dhaliilay beesha caalamka oo ku eedeeyay inay la wado qorshayaasha ay maleegayaan Xasan Sheekh iyo xulafadiisa, wuxuuna tilmaamay inay tahay arrin aan loo dulqaadan kari.
Wuxuu hadalkiisa ku daray in waddanka fowdo laga dhigay islamarkaana amnigiisa farogalin lagu sameeyay isagoo xusay in dhawaan NISA laga cayriyay 1,500 oo askari, xilkiina laga qaaday Taliyihiin hay’addaasi ee gobolka Banaadir.
Kulankan ayaa kusoo beegmay xilli dib u dhacyo badan lagu sameeyay waqtigii doorashada islamarkaana dib loo dhigay xilligii lasoo xuli lahaa xubnaha maamulka goboleedyada ee Aqalka Sare, waxaana jirta cabsi laga qabo qabsoomidda doorashada Somalia ee 2016.
Idale News Online, Garowe, Puntland, Somalia