Muqdisho:Tarsan oo si xoogan kaga Horyimid Wasiir Ku Xigeen oo loo magacaabay.

0
189

Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu si xoogan uu kaga horyimid Jagada Wasiir Ku Xigeenka Isboortiga & Dhalinyarada, oo loo magacaabay.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federalka ee Soomaaliya oo ku dhawaaqay 25 Wasiiro Ku Xigeeno, ayaa waxa uu xubin ka mid ah uu u magacaabay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir.

Duqa Magaalada Muqdisho oo la hadlay Telefishinka Universal, ayaa wuxuu sheegay inaan lagala tashan ka mid noqoshadiisa Golaha Wasiirada, sidaasi daraadeedna aanu aqbali karin, sida uu yiri.

Sidoo kale wuxuu carabka ku adkeeyay inaanu ku qanacsanayn in isagoo aanu waxba ka ogayn lagu soo wargeliyo, in magaciisa lagu dhex arkay Golaha Wasiirada.

Maxamuud Axmed Nuur, ayaa maanta shir jaraa’id ku qaban doono Magaalada Muqdisho, wuxuuna ku faah faahin doonaa sida uu kaga xun yahay xilka loo soo magacaabay, xilli aanu waxba kala socon.

Tarsan, ayaa wuxuu noqonayaa shakhsigii ugu horeeyay oo kahor yimaada Golaha Wasiirada, xilli uu Dr. C/weli Sheekh Axmed uu ku soo daray Golahiisa Wasiirada.

tarsan

Idale News Online,Muqdisho.