Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalintii labaad ka doodaya Amniga magaalada Muqdisho, kaddib markii maalintii shalay ay dood xasaasi ah ka yeesheen Amniga.
Wararka ayaa sheegaya in labaatameeyo Xildhibaano oo ka haray kuwii shalay is qoray inay ka hadlaan ajandaha dooda amniga ay maanta khudbado jeedin doonaan.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa sheegay in Xukuumadda ku fashilantay Amniga, sidoo kale Ciidamada dowladda ay dhigtaan jidgooyooyin ku dhibaateeyaan shacabka, halka Xildhibaanada kale ay sheegeen in Ciidamada aysan kalsooni ku qabin.
Ilo ku dhow dhow Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegaya in laga yaabo in dooda kaddib Xildhibaanada ay mooshin ka keeneen amniga Muqdisho oo su’aalo lagu weydiiyo TaliyeyaashaAmmaanka ama Xukuumadda.
Golaha Shacabka oo lagu dhaliilayay habacsanaan dhanka shaqada ah iyo howlgabnimo ayaa u muuqda mid hada hurdada ka toosay, isla markaana guda galaya doodo xasaasi ah.