Muqdisho:Kulan adag oo looga hadlay ammaanka ayaa ka dhacay Villa Soomaaliya.

0
160

Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Kulan dhanka amaanka ahaa waxey ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada “Villa Soomaaliya waxaan kulankaasi looga hadlay arimo ku aadan Weerarkii Baarlamaanka iyo qaabkii uu u dhacay.

Kulankan uu shir guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud islamarkaan uu ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare C.wali iyo Xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada ayaa ka wada hadlay qaabkii Al Shabaab ay u geleen Xarunta iyo waxa fududeyay Weerarkaasi.

Waxaa sidoo kale Kulankaasi looga hadlay ka hortaga Weerarada Ururka Al Shabaab ay la damacsan yihiin Xarumaha Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee Magaalada Muqdisho iyo in markale aysan dhincin Weerar la mid ah kii Al Shabaab ay ku qabsadeen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ka dhacay Villa Somalia ayaa laga sheegay in Dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto Dagaaladii ugu dambeeyay ee Ururka Al Shabaab kuwaasi oo ku sugan Degaano iyo Degmooyin dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Waxuu Kulankan ku soo aadayaa Iyadoo maalin ka hor Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ay Dagaal ku qabsadeen Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Muqdisho halkaasi ka dhacay Dagaal iyo Qaraxyo geystay Khasaaro kala duwan.

presidentXasanVillaBaidoa

Idale News Online.