Muqdisho:Eng yariisow adeega internetka ma Horistaagi karaan Al-Shabab.

0
194

Afhayeenka Madaxtooyada ahna La taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya, Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow), ayaa wuxuu Ururka Al Shabaab uu ku eedeeyay in ay ka soo horjoodaan horumarka Ummada Somaliyeed.

Kadib markii Ururka Al Shabaab ay Arbacadii amrayn in muddo 15 cisho ah lagu joojiyo adeegga Mobile Internet iyo Fiber Optic, ayaa waxay Dowladdu sheegtay inaan la joojin doonin.

La taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa wuxuu sheegay in Ururka Al Shabaab ay caado ka dhigteen in ay handadaan shacabka Somaliyeed, balse ay shacabku ka daalleen handadaada Al Shabaab, sida uu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay in adeeggaan ay dan ugu jirto dadka Soomaaliyeed, isagoo intaa ku daray in Dowladda Soomaaliyeed ay ka shaqayn doonto, sidii ay dadka Somaliyeed u sii adeegsan lahaayeen.

Wuxuu intaa raaciyay inaan la joogin waqtigii ay Shabaabku joojin karayn adeeggaan casriga ah, isla-markaana ay sanadkaan soo afjari doonaan Shabaabku, sida uu sheegay.  Yariisow oo galabta la hadlay VOA Somali, ayaa wuxuu xusay inaysan Shirkadaha adeeggaan keenay joojin karin, waxyaabaha horumarka ah, ee ay ku inti-faacayaan dadka Soomaaliyeed.

yarsiiwo

Idale News Online, Muqdisho