Mudane Ka Tirsan BKGS Oo Sheegey in Degaanka Aato Ee Gobolka Bakool Laga KaXaystey 20 Ruux

0
216

Xudur ( INO)-Waxaa Xiisad xoogan laga soo sheegayaa Deegaanka Aato ee Gobolka Bakool kadib markii illaa 20 qof laga qab qabtay halkaas.

Dadkaan ayaa waxaa qab qabtay Ciidamada Liyuu Police ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Mid ka mid ah Xildhibaanada Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliyaoo lagu MagacaabXildhiban Dubad Max’ed Dhaqane ayaa Warbaahinta u sheegay in sababtay ka dambeysa dadka la xir xiray oo sida uu sheegay shacab ah  ay tahay in ay yihiin taageerayaasha Koofur Galbeed Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Deegaanka Aato ee Gobolka Bakool ayaa ka mid ah deegaanno dhawaan looga dhawaaqay maamul la Magac baxay Bakool Sare.

Idale News Online, Xudur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here