Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta guda galaya dooda mooshinka ka dhanka ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, kadib markii shalay laga hor aqriyay Baarlamaanka, iyadoo dooda maanta ay noqon doonto mid xasaasi ah.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada soo gudbiyay mooshinkan ayaa ku eedeeyay wasiirka Arrimaha Gudaha C/llaahi Goodax Barre inuu ku xadgudbay sharciga maamul u sameynta dalka, isla markaana maamulo dhisan uu ku bedelo maamulo cusub.
Doodii shalay ayaa aheyd mid bilow ah, hase ahaatee dooda maanta ayaa noqon doonta mid Xildhibaan walba uu aragtidiisa ka dhiibto.
Lama oga go’aanka uu qaadan doono Baarlamaanka iyo in marka uu soo dhamaado kulanka kalsoonida lagala noqonayo, waxaana mooshinkan uu ka dhashay su’aalo weydiintii todobaad ka hor ee Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Idale News Online, Muqdisho.