Mudaaharaad looga soo horjeedo Qorshaha Jawaari la soo shirtagay ADC oo Baydhaba ka bilowday

0
209

Waxaa goordhow magaalada Baydhabo ka bilawday mudaaharaad weyn oo ay sameynayaan taageerayaasha maamulka lixda gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya iyagoo kaga horjeeda hadal uu goordhow jeediyey guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari.

Guddoomiyaha baarlamaanka iyo xildhibaano ayaa gaaray xarunta ADC-da ee fadhiga u ah odayaasha maamulka lixda gobol doortay, waxaana guddoomiye Jawaari markii uu halkaa tagay uu la hadlay odayaasha iyo siyaasiyiinta taageersan maamulka lixda gobol.

Jawaarey.

Wariye ku sugan xarunta ADC-da ayaa Idale News Online u sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka uu cadeeyay in dawlada federaalka Soomaaliya aysan taageereynin labada maamul ee looga dhawaqay Baydhabo.

Jawaari ayaa si cad u sheegay in dawladu ay u aragto labada maamul ee lixda gobol iyo kan saddexda gobol waxba kama jiraan, balse siyasiyiinta labada dhinac ay ku marti qaadi doonaan maamul cusub oo dawladu dhisi doonto oo loo sameynayo goboolada Koonfur Galbeed, inkastoo uusan sheegin tirada gobollada ay ka koobnaan doonto.

Madaxweynaha maamulka lixda gobol Madoobe Nuunow iyo odayaashii dhisay maamulkiisa oo qaarkood iyaguna hadlay ayaa ku adkeystay inaysan marnaba ka laaban doonin maamulkii ay dhiseen iyagoo sheegay in ku dhowaad labo sano ay soo wadeen hawsha dhismaha maamulka.

Markii hadaladaasiay soo dhamaadeen kadib ataa waxaa mar qura magaalada Baydhabo ka curtay mudaaharaad weyn oo aysameynayaan taageerayaasha maamulka lixda gobol kuwaasoo cambaareynaya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari.

Mudaaharaadka ayaa weli socda, waxaana guud ahaan xiran magaalada, iyadoo dad mudaaharaadaya iyo ciidamada Itoobiya ee AMISOM oo kaliya magaalada lagu arkayo.

Wxaa lagu waday in guddoomiye Jawaari iyo xildhibaanada la socda ay la kulmaan dhinaca kale ee maamulka saddexda gobol oo iyagu fadhiugoodu yahay hotelka Bakiin, halkaasoo ahayd meeshii shalay loo diiday inuu tago madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.