Mootooyinka Ka Shaqeeya Gudaha Degmada Baydhabo Janaay oo Baaritaano Xoogan lagu haayo ka dib markii…

0
220

Iyadoo Magaalada Baydhabo Janaay si weyn looga soo daadiyey ciidamo aad u badan O o Isugu jira Boolis iyo kuwo madaniga xaafadaha ilaaliya  isla markaana ku dhex malmeen dad weynaha Baydhabo ayaa waxay gebi ahaanba ay xareeyeen mootooyinka ka shaqeeya gudaha degmada baydhabo Janaay.

waxayna  si weyn u wadaan baaritaano xoogan,oo ay ku sameynayaan gaadiidka iyo mootooyinka, ka howl Gala Gobolka Bay, waxayna  sheegeen in ay doonayaan in ay ka hortagaan falal lid ku ah amaanka magaalada Baydhabo.

Baaritaankani ayaa ka dambeysey ka dib markii  soo ifbaxay tuhun la sheegey oo ah tiro kooxda Al-shabab ee soomaaliya inay soo galeen Gudaha magaalada Baydhabo kuwaasoo horey u sheegey inay kordhin doonaan dagaalada iyo qaraxyada magaalooyinka waa weyn ee soomaaliya,inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

si kastaba ha ahaatee,ciidamda madaniga baydhabo ayaa lagu arkaa wadooyinka waa wey iyo luuq luuqyada kuwaaso aad u feejigan isla markaana dadka qaar ay ka argagaxayaan.

Baydhaba Janaay.

Idale News Online, Baydhabao.