Mooshin ka dhan ah Wasaaradaha Gaashaandhiga iyo Arrimaha Gudaha oo Barlamaanka la hor geeyey

0
209

Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Mooshin ka dhan ah Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya qaarkood u gudbiyay Barlamaanka Soomaaliya oo dhawaaan uu u furmey kalfadhiyadooda Caadiga ahaa.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Mooshinkaas gudbiyay oo Saxaafadda u waramay ayaa sheegay in ay ku Dhaliilayaan Wasaaradaha ay Mooshinka ka gudbiyeen Hawl gudasho la’aan.

fiqi_gaashaandhiga

Xildhibaanka ayaa farta ku fiiqay in wasaaradaha Xilkodii gabay in ay ka mid yihiin Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga.

Xildhibaan Mahad ayaa labadaas Wasaaradood oo Xilkoodu ahaa Amniga Dalka iyo sugiddiisa ku eedeeyay in ay Gudan waayeen Waajibaadkii loo igmaday isla markaana ay ka gaabiyeen in ay wax ka qabtaan Hawlaha amniga Dalka.

Xildhibanadaan oo maalmihii dambaba ka hadlayay Xaaladda Amni ee Dalka ayaa ugu dambayntii waxa ay isla garteen in Mooshin ka dhan ah Wasaaradahaas ay u gudbiyaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la filayo in maalmaha soo socda uu Barlamaanku ka doodo.

Horey ayaa Barlamaanka Soomaaliya wuxuu u yeeray Wasiirada Wasaaradahaas Mooshinka laga keenay kuwaas oo wax badan laga weeydiiyay Su’aalo ku aadan dhinaca Ammaanka kuwaasoo ka jawaabay Su’aalihii la weydiiyay in kastoo Xildhibaanadii fadhiyadaas ka qayb galay ay sheegeen in aysan ku qancin Jawaabaha ay bixiyeen Wasiirada labadaas Wasaaradood ee Mooshinka laga keenay.

Idale News Online Mogadishu