Mombasa: Sheekh Maxamed Idiris Oo Saakay Lagu Toogtay Magaalada Mombasa Ee Dalka Kenya.

0
236

Wararka laga helaayo Magaalada Mombasa ee dalka Kenya, ayaa sheegaaya in saakay lagu qaarajiyay Allaha u naxariistee Sheekh Maxamed Idiris, oo ka mid ahaa Culimada reer Mombasa.

Sheekh Maxamed Idriis, ayaa wuxuu sidoo kale ahaa Madaxii Golaha Imaamyada iyo Ducaadda Muslimiinta ee Kenya, iyadoo lagu dilay xaafada Likoni.

Dilka Sheekh Maxamed Idiris, ayaa waxaa geystay rag hubeysan oo aan heybtoodu la garanayn, kuwaa oo dilka kadib isaga baxsaday xaafada Likoni ee Magaalada Xeebta leh.

Madaxa Dembi Baarista ee Magaalada Mombasa Henry Ondieki, ayaa wuxuu Warbaahinta u sheegay in lagu daba jiro raggii geystay dilka ka dhanka ah Sheekh Maxamed Idiris.

Ondieki wuxuu tilmaamay in nimanka weerarka fuliyay loo maleynaayo inay yihiin, rag si dhow u garanaaya wadaadka caanka ah ee lagu dilay Xarunta 2-aad ee dalka Kenya.

mombasaSheikh

Idale  News  Online, Mombasa. Nagala Soo Xariir Email: Idalenewsonline@gmail.com