Telefishinka Universal oo kamid ah TV-yada Madaxa banaan ee Dalka ka howlgala ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa uu waday Barnaamijyo uu ku ceynayo kuna ceebeenayo Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Barnaamijka Faaliyaha Qaranka loogu magac daray ee ka baxa Universal Tv ayaa si daran loogu caayay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu sheegay in ay yihiin kuwa caado qaatayaal ah oo meesha u fadhiya kaliya waxa ay dhacaan.
Tv-ga ayaa Barlamaanka ku sheegay in uu lamid yahay kaarka Telfoonka ee lacagta lagu shubto , waxa uuna Ninkii Warkaasi aqrinayay uu sheegay in Baarlamaanka Mooshinka ay keeneen ay ula jeedaan kaliya in ay helaan lacago ay jeebka ku shubtaan .
Ma jiro wali Xildhibaan ka hadlay Sharaf dhaca uu Baarlamaanka Dalka u geestay Tv-gan afka Soomaaliga ku hadla , waxaana soo baxaya in ay jiraan Warbaahin lacago lagu siiyay sharaf dilka Baarlamaanka Soomaaliya ee dhawaan ku baaqay in uu Madaxweyne Xasan Sheekh is casilo.
Qaar kamid ah Telefishinada afka Soomaaliga ku hadka ayaan tabin maalmo kahor Bayaankii ay soo saareen Xildhibaano kasoo horjeeda Siyaasada Maxaweyne Xasan Sheekh Maxamuud , waxaana soo baxay in Telefishinadaasi in jeebka lacag loogu shubay si aysan u baahin warkaasi.
Idale News Online.