Meydka Gabar Soomaaliyeed oo ku geeriyootay Dalka Shiinaha oo halis ugu jirta in la gubo.

0
198
china
china

Dowlada Shiinaha ayaa amar ku bixisay in mudo Shan maalin gudahood dalkaasi looga qaado lana geeyo dalkeeda Meydka Gabar Soomaali ah oo dhawaan Dalkaasi ku geeriyooday .

Maxamed Xasan Axmed oo ah Ninka qabay gabadha geeriyootay ayaa Warbaahinta u sheegay in dhawaan xaaskiisa xanuun soo wajahay ugu geeriyooday Dalka Shiinaha , waxa uuna tilmaamay in Dowlada Dalkaasi amar ku siisay in shan maalin gudahood dalka looga saaro ama la gubi doono Meydkeeda.

‘’ Xaaskayga Muno xaaji waxa ay u geeriyootay Cudurka Tb-da oo ku dhacay , waa lala tacaalay in badan xaaladeeda caafimaad laakiin dhaqaatiirta Shiinaha waxa ay nagu wargaliyeen in aysan waxba ka qaban Karin , maalmo kahor ayeyna ku geeriyootay Dalka Shiinaha ‘’ayuu yiri Maxamed Xasan Axmed.

Muwaadinkan Soomaaliyeed ee kunool Dalka Shiinaha ayaa sheegay in uu la murgoonayo amar ay Dowlada Shiinaha kasoo baxay oo ah in mudo Shan maalin gudahooda meydka gabadha looga qaado dalkaasi hadii kale la gubayo.

‘’Dowlada waxa ay nagu amartay in Meydka mudo shan Maalin gudahood aan dalka uga dhoofino,hadii taasi dhici weysana waxa ay noogu hanjabtay in dab la qabdsiin doono sida dadka shiinaha u dhashay oo kale , anigu maheesto lacag aan ku dhoofiyo Meydka xaaskayga waxaana ku baxaya qarash dhan 35-kun oo Dollar waxaana hada gacanta noogu jiro kaliya 11-kun ‘’ ayuu yiri Maxamed Xasan.

Waxa uu umada Islaamka ugu baaqay ninkan Meyda xaaskiisa halista ugu jirta in la gubo in ay ka caawiyaan Walaalaha Soomaaliyeed iyo Dowlada Soomaaliya sidii uu dalkaasi uga soo qaadi lahaa meydka Marxuumada si aan loo gubin.

800px-Flag_of_the_People's_Republic_of_China.svg


Idale New Online, Bajin.