Mombasa(INO)–Saddex hablood oo looga shakiyay inay ku biiri lahaayen Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa maanta la soo taagay Maxkamadda Magaalada Mombasa, waxaana Maxkamadda la horkeenay cadeymo aan ku filnayn eedeymaha loo heysto, oo mid argagaxiso ah.
Maxkamadda, ayaa dib kiiskooda u dhigtay ilaa 20-ka bisha soo socoto ee April, si horey loogu sii amba qaado dhageysiga dacwadda ka dhanka ah, intaana ay laamaha ammaanku baaritaano u sameeyan.
Hablahan, ayaa waxay laba ka mid ah u dhasheen dalka Kenya, halka midda saddexaadna ay u dhalatay dalka Tanzania, oo xuduud la wadaaga Kenya. Maryam Said Aboud & Khadija Abubakar Abdulkadir, ayaa ah Kenyan, iyadoo Ummul-Kheir Sadir Abdulla ay Tanzania u dhalatay.
Middi waxay dhiganeysay Jaamacadda Mount ee dalka Kenya, mid kalana waxay wax ka baraneysay dugsi sare oo ku yaala deegaanka Milindi ee Gobolka Xeebta Kenya, halka midda saddexaadna ay Kulliyadda Caafimaadka ka baraneysay Jaamacadda Caalamiga ah Afrika ee Magaalada Khartoum.
Laba ka mid ah waxaa da’doodu lagu sheegay 21 sano jiro, iyadoo midda kalana lagu sheegay 19 sano jir.
Taliyaha Booliska Magaalada Mombasa Nelson Marwa, ayaa hablahan ku eedeeyay in ujeedkoodu uu ahaa inay la soo tababartan Al Shabaab, si weeraro ismiidaamin ah ay u geystaan.
Taliyaha, ayaa ku waramaya inay heleen macluumaad muujinaya in hablahan ay ku sii jeedaan Koonfurta Somaliya, isla-markaana ay ku guuleysteen inay ka hor joogsadan.
Saddexduba waxaa toddobadkan lagu qabtay deegaanka Ceelwaaq ee dalka Kenya, kuna dhow xadka Somaliya iyo Kenya, ka wadaan dhinaca Gobolka Gedo.
Waxay noqoneysaa markii ugu horeysay oo dumar looga shakiyo inay ku biiri rabeen Ururka Al Shabaab, lagu qabto meel ku dhow xadka Somaliya iyo Kenya.
Idale News Online, Mombsa