Magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, waxaa booqasho ku jooga madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxa ay kulamo la qaatayn madaxweynaah dalka Uganda Yuweri Muzevani.
Labada madaxweyne ayaa yeeshay kulan muddo saacado socday, waxaana ay uga hadlayn arrimodhowr ah, sidda ay lee yihiin saraakiil ka tirsan xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.
Wax yaabaha ay ka hadlayn labada madaxweyne waxaa ka mid ah xiriirka labada dowladood iyo arrimo ku saabsan ciidanka AMISOM,labada madaxwweyne iyo sidii loo xoojin laha taageerada dowladda Soomaaliya ee dhinaca ammaanka.
..””Madaxaweyne Xassan si weyn ayaa loo soo dhaweyey markuu gaaray Uganda,waxuuna shir la qaatay madaxweynaha Uganda Yuweri Muzevani,waxaana ay ka wada-hadleen xiriirka labada dowladood iyo arimo ku saabsan ciidanka AMISOM,..”ayuu yiri mas’uul u hadlay madaxtooyada Soomaaliya.
La-dagaallanka Al-shabaab ayaa qeyb ka ahaa arrimaha ay ku dheeraden labada madaxweyne,waxaana la sheegay madaxweynaha Soomaaliya inuu Uganda ugu mahad-celiyey taageerada dhinaca Milateriga,maadaama Uganda ciidamada ugu badan ee AMISOM ay leedahay.
Wasiirka gaashaandhiga iyo taliyaha ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed, ayaa la kulmay Taliyaha ciidanka Milateriga dalka Uganda iyo Wasiirka Gaashaandhiga dalkaasi oo ay kala hadleen sidii loosii wadi lahaa howlgalka AMISOM ee dalka Soomaaliya, maadaama miisaanka ugu culus ee howlgalkan Dowladda Uganda ay ku leedahay.
Safarka madaxweynaha oo imaaanaya xilli xildhibaanno ka tirsan baarlamaanku ay ugu baaqen inuu xilka ka dago,waxaana guuxa siyaasaded uu abuuray inuu madaxweynaha dadaal u galo sidii baarlamaanku arrinta uga tanasuli lahaayeen,lamana xaqiijin arrimaha siyaasaded ee horyaala Xassan Sheekh inuu kalahadlay madaxweynaha Uganda.
Madaxweynaha waxaa ku wehliya safarkiisa wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya,Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka,Daahir Aadan Cilmi.
Idale News Online, Kampala.