Muqdisho(INO)-Dowladda Federaalka Somalia ayaa shaaca ka rogtay in la xiray dad magacyo been abuur ah ku isticmaalaayay baraha Bulshada ay kuwada xiriirto, kuwaasi oo sameystay magacyada xubno Dowladda ka tirsan.
Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan, ayaa Saxaafadda u sheegay in ciidamada ammaanka ay soo qabteen shaqsiyaad magacyada masuuliyiinta Dowladda ka been sheegaayay, kuwaasi oo baraha Bulshada ay isticmaalaan ku qoraayay waxyaabo been abuur ah.
Halkan Ka Dhageyso.
Maxamed Yuusuf wuxuu sheegay in soo qabashada raggaan ay ugu sahlanaatay, markii ay baaris ku sameeyeen IP-Addresska ay isticmaalaan dadkaasi.
“Hay’adaha waxa ay soo ogaadeen shaqsiyaadka isticmaala baraha bulshada ee lagu aflagaadeynaayo Madaxda dowaldda ilaa iyo hadda, hay’aduhu waxa ay ogaadeen IP address-yada laga isticmaalo cinwaanada aan kuu sheegay, telefanadooda, dadkaasi ayaa kala ah, mid lagu magacaabo Cumar Xaayow Calas oo runtii ah ninka ugu horeeya ee ku shaqeysta blackmail, iyo sidoo kale nin la yiraahdo Cali Cabdi Wardheere “Cali yare” oo ka mid ah group-kaas kuwaasi oo ay ku socoto baaritaanno dheeraad ah iyo kuwa kale” ayuu yiri Afahyeenka Wasaaradda Amniga.
Xubnaha ilaa hada Wasaarada Amniga ay sheegtay in la xiray ayaa gaaraya saddex ruux, halka weli Dowladda ay sheegayso inay ku raadjoogto dad kale oo dalka dibadiisa ku sugan.
Dadka Siyaasada ka hadla ayaa sheegaya in Dowladda Somaliya ay ku mashquushay shaqo aanan munaasab aheyn, xilli dalka la doonaayo inay ka dhacdo doorasho, sidoo kalena dalka ay soo gaarayaan dad qaxooti ah oo u baahan in dib u dejin loo sameeyo.
Dowladda Xasan Sheekh uu hogaamiyo oo sanadkii 2012-ka tallada dalka la wareegay ayaanan waxbadan ka qaban arimaha gudaha oo Maamulada qaar ee dhismay ayaaba xiriirka u jaray Dowladda Somalia.
Idale News Online, Muqdisho