Maxamed Yariisow”Gawaarida Magaalada Soo Galaysa Waajid Wey Celinayaan”

0
401

Muqdisho(INO)-Xarakada Al-shabaab ayaa waxaa la sheegayaa in ay go’doomiyeen wadooyin waawey oo ay isticmaali jireen dadka ku nool degmada Waajid ee gobolka bakool.

Waajid

Shabaabka ayaa lagu soo waramayaa in dadka ay u diideen in ay isu gudbaan waajid iyo deegaanada kale isla markaana magaalada uusan ka baxaynin wax gaari ah.

Gudoomiye ku xigeenka Arimaha bulshada degmada waajid ee Gobolka Bakool aya awaxa uu qiray in ay jiraan ciidamo daacad u ah Xarakada Al-shabaab isla markaana gaadiidka u diidaya in magaalada ay ugudbaan kuwa degmada ka soo baxayana ay ku celinayaan.

“Waxaa jiran niman shabaab ah oo magaalada go’doomiyay hareeraha magaalada oo dhan iyagaa jooga,gawaarida magaalada soo gali jirtay dib ayay u celiyeen,darawalada ayay  jirdilayaan” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada degmada waajid ee gobolka bakool.

Masuulkaan ayaa intaa ku daray in ay qaadi doonaan tallaabo weerar ah oo ay Xarakada ay kaga sifeynayaan tuulooyinka ku dhow dhow degmada waajid Sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa go’doon saaray deegaano lagala wareegay oo ku yaala gobolada baay iyo bakool,iyadoo dadku ay ku noolyihiin xaalada nolol xumo.

 

Idale News online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here