Xeerbeegtida maxkamad ku taala magaalada Toronto ee dalka Kanada ayaa laba dacwadood oo la xiriira argagxiso ku heshay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Xirsi oo 28 sano jir ah.
Maxamed Xasan Xirsi waxaa lagu helay inuu doonayey inu ku biiro ururka al-Shabab iyo inuu xubin sirdoonka u shaqaynayey oo dharcad ahaa isku dayey inuu ku qanciyo inuu ku biiro isla al-Shabab.
Maxamed Xasan Xirsi waxaa sannadkii 2011-ka lagu qabtay garoonka diyaaraha ee Toronto isaga oo u socday dalka Msar, waxaase dacwad oogistu sheegeen inuu uga sii gudbi lahaa dalka Soomaaliya.
Qoyska Maxamed Xasan Xirsi ayaa cambaareeyey kiiska waxayna u tilmaameen mid caddaalad-darro ah oo la been abuuray.
Idale News Online.