Maxaadan Ogeyn Oo Ku Soo Kordhey Maamul U sameynta KG Soomaaliya

0
170

Waxaa dardar xoog leh ku socda maamul u sameynta Koonfur galbeed ee soomaliya, waxaana la qeyb saday ergooyinka ansixin lahaa dastuurka, kuwaas inta ugu badan beelaha dega Koonfur Galbeed ay soo gudbiyeen.

Maalinti shalay ahayd waxaa gaaray magaalada Baydhaba ee madasha Shirka ergooyin aad u tira badan oo ah kuwii ay beelaha soo xuleen, kuna biirayaa kuwii horay u joogay.

Beelaha dega gobolka Sh.Hoose ayaa dhamaantood gudbiyay magacyada ergadooda, waxaana loo diyaariyay Kaararkoodii aqoonsiga si ay ugu qayb qaataan ansixinta dastuurka uu yeelanayo maamulka Koonfur galbeed ee sadexda gobol oo hada lasoo dhameystiray.

Ugu badnaan 15 bisha November ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo doorashada Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, sida ay noo sheegeen mas’uuliyiin ka agdhow shirka oo ay Shabakada Wararka Idale News Online  la xiriirtay.

kg3

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo