Maxaadan Ogeyn Oo Ku Soo Kordhay Dhismaha Baarlamanka Jubba

0
206

Kismaayo(INO)-Wararka naga soo gaaraya dhanka Siyaasiyiinta Maamulka KMG Jubba, ayaa sheegaya in xulistii xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland ay hada marayso meel gabagabo ah iyadoo tiradii xildhibaanada gobolka Jubada dhexe beeluhu isku fahmeen lana dhameeyay halka gobolada Jubada Hoose iyo Gedo hada lagu guda jiro.

Waxaa jiray caqabado xaga salaadiinta ah iyadoo ay jireen Beelo isku qabtay salaadiinta matalaysa taasoo la sheegay in hada la xaliyay.

Mas’uulkani oo u waramaayay Warbaahinta ayaa sheegay in la filayo in muda sadax bari gudahood ah lagu soo afmeeri doono xulista xildhibaanada Jubaland.

Qorshihii hore wuxuu ahaa in 21-ka Bishan lagu dhawaaqo Baarlamaanka Jubaland hase ahaatee lama hubo in qorshaha xulista baarlamaanka Jubaland mudadaas lagu soo gabagabayn doono.

Idale News Online, Kismaayo