Muqdisho(INO)-Wararka naga soo gaaraya Xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in Kulan balaaran oo looga hadlayay amaanka dalka gaar ahaan kan caasimada uu habeenimadii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia.
Kulankan oo qaatay dhowr saac, ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiro, Taliyayaasha laamaha Amaanka, Saraakiil kala hogaamisa Ciidamada DF Somalia iyo kuwa AMISOM, waxaana diirada lagu saaray wax ka bedelka Amaanka Magaalada Muqdisho.
Kulanka oo jihooyin badan looga hadlay ayaa waxaa ugu muhiimsanaa kaalinta Ciidamada iskaashanaaya ee saaxiibka u ah xaqiijinta amaanka Magaalada Muqdisho iyo Gobolada ku-xeen-daaban.
Taliyayaasha iyo Saraakiisha ayaa loogu baaqay inay si hufan u gutaan howlaha kaga aadan Amaanka, waxa ayna ku taliyeen in la dardar galiyo dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyada Al Shabaab iyo sugida deegaanada ku jira gacanta dowladda.
Kulankan ka dhacay aqalka dalka looga arrimiyo ayaa kusoo aadaya, iyadoo Maleeshiyaadka Alshabaab ay weerar qorsheysan ku qabsadeen Hotel Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho kaasi oo inta badan qalqal galiyay shacabka Muqdisho ku nool.
Inta badan Laamaha amaanka DF Somalia ayaa kusoo baraaruga xiliyada ay dhacaan Qaraxyada culculus, taasi oo keentay in Maleeshiyaadka Alshabaab ay kusii dhiiradaan fulinta weeraro aan raali galin DF Somalia.